Tixdan Waxaynu Kaga Hadlayna Guusha iyo Socdaalka Nolosha


 Tixdan Waxaynu Kaga Hadlayna Guusha iyo Socdaalka                                                       Nolosha :

Tixdan Waxaynu Kaga Hadlayna in aan Guusha lagu gaadhin si fudud ee loobahanyahay samir iyo dulqaad ,si aad ugaadho guulo badan . 
       
          =Guusha ninkii goobaa wuu ka Gun gadhaye.
          =Guri jiif iyo laguma helo gasiin lacunaye.
          =Guri weyn iyo laguma helo Gogol  raxadeede.
          =Gani iyo laguma gaadho gaws nin  leyahaye.
           =Gaf aad naftada kagasho iyo laguma helo Canaan joogtaye.
           =Goofaltan iyo ma ahaan xaajo garage.
           =Gacal tooyo laguma helo gaanka aad tahaye.
            =Gaari laguma gaadho iyo farase.
            =Gar,waaqsashada khaladkad kagasha waa libin weyne.
             =Waa Guul Cajiba Hadafkaga oo aad garataye.
             =Guushaad gaadhaa alle lagu mahadiyaaye.
             =Markaad gunta hesho baa faash lagugooyaaye.
            =Geedkii hadh weynba goonidisa loo ilaashadaa.
            =Waa Guul cajaiba hadaad garato yoolkaga.
Sida aynu kaso sheekaynay Guusha laguma helo ciyaarciyaar iyo raqiis , ee waa loo samara waana loo dulqaataa.
Waa inaad kadhiidhida wax kasta o keeni kara guuldaradada ama aad ka wantowdaa.  Hamigaaga o hoos udhacaa Wuxuu keena guldarooyin badan inaad lakulanto.
Hamigaaga iyo jeebkaaga la is Kuma jaan jooyo ee waxaad haysataa naftada iyo maskaxdaada marka waa inaad maaha maskaxdaada.  Hadaad sookoobto fikirka kujiraa naftada oo aad tidhaahdo waxaas masamayn karo ogow weligaa meel magaadhaysid waxaa kujiraa baqdin iyo xayndaab aad adigu naftada gelisey. Naftada u ogolow in ay waxbadan isku day do oo horumariso nafta iyo fegradeda. 
Hadii aad tidhaahdo meel magaadhayo ,dhibto ayaa haysataa ,waxaas mahaysto. Weligaa meel gaadhin maysid ee lasocoto.
Markasta guul darada cashar kabaro.  Si aad guulo ugaadho isbarbardhig Guusha iyo guul darada.

  =Raaxo laguma helo Guusha iyo Raqiistona.
  =Rafaad baa loomaraa rugta aad gobeeyside.
  =Reerka laguma Furo meel aan baad iyo reys toona lahayne.
  =Runtu waxay kudhaxal siisaa Halka aad urooreyside.
  =Ruuxna rajo laa,an kumahelo goolka uudhaline.

Tixdan waxaa kucad walaca, niyad jab,guul daro,isbedel la aan, garaadkaga o yar, garasho la,aan,gocasho,inaadan waxba qabsankarin ama guul gaadhikarin. Marka haday intaas kuhaysato wax guul ah magaadhaysid ee lasocoto. Waa inaad ahaato ruux lajaanqadikara wacyigelin markaas jira ama meel marxaladi marayso. 
Si aad guulo ugaadho waa inaad Hadaf leedahay .Waa inaad ahaato guul ujoog balse aadan ahaan guul daro ujooge.
weligaa ha is odhan mahaysto Lacag,Garab,Gaashan,Aqoon kugufilan, ha istusin waxyaabaha negative taa waayo dhamaantood waxay kuhorseedayan guul daro.kuxisaabtan in aad noqota qof lagu day do o lagaga day do figrad wanag,waxsoosaar iyo horumariso dhan kasta kaqabanaya. 
Sideedaba guul daradu wey soo dagdagtaa ,Halka Guusha soo dhutido,marka kuxisaabtan inaad Guusha usamirto oo aad dull qaad yeelataa. Ahaw qof run badan,daacad hale kuxidhan oo dadku Wada jecel yihin.Laba kadheerow xaasidnimada iyo in dadku ku niyad jabiyaan.

 =Dadka guuleystay waxay horumariso usameeyaan wakhtiga ay dadka kale dayecen.
 =Shaqadu waa midhaha rajada o dhan.
 =Shaqadu waa inaad waxkasta usamaysa sida faaiido loogaadhilaha.
 =Haduusan jirin Hadaf aad gaadhaa Kama murugoneysid inaad waxba gaadhaa.
 =Wakhtiyar oo kasta wax yar same.
 =Dhiiranantu waa fursada ugu fiican ee waxkasta lagu samayn karo.
 =Wada shaqaynta kooxdu wey yaraysaa culeyska shaqo
 =Qofna sida 10 qof Uma caqli iyo xoog badna.
 =Weedhaha hadaan laraacin facil muhiim maahan.
 =Figraduhu waa Kuma naan qiima maleh hadaan ficil lagudarin.
 =

1 Comments

  1. Waa murti qiimo badan oo u bahan inay sahay ka dhigtaan dadka guusha jecel

    ReplyDelete
Previous Post Next Post